GUDDIGA HAWEENKA AQALKA SARE OO SAFAR SHAQO KU JOOGA DALKA RUWANDA OO KULAMO KALA DUWAN LA QAATAY MADAX KA TIRSAN DALKAAS

Guddiga Haweenka Aqalka Sare oo safar shaqo ku jooga Magaalada Kigali ee dalka Ruwaanda, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalkaas.

Xubnaha Guddiga Haweenka ayaa madaxda dalka Ruwanda oo ay maanta la kulmeen waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Senate-ka Ruwanda iyo ku-xigeenkiisa , guddi Haweenka ay ku midaysan yihiin ee labada aqal ee dalkaas iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Haweenka , iyagoo isdhaafsaday khidrad wadaag shaqo , waayo-aragnimo iyo in kor loo qaado xiriirka labada dal.