𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐅𝐀𝐊𝐀𝐍𝐐𝐀𝐘𝐍 𝐊𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄-𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟖𝐀𝐀𝐃.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ka doodista qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga 8-aad.

Kulanka, oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa waxaa ugu horreyn Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, uu xubnaha Guddiga Joogtada u soo bandhigay isla markaana faahfaahin ka bixiyay qorshe-howleedka Golaha, shuruucda soo gaartay Aqalka Sare, iyo hindise-shuruucda weli sugaya dhammeystirka habraacyada akhrisyada u haray, si mudanayaashu uga gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.

Intaas kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn qoto-dheer ka yeeshay ajandaha kulanka, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka shaqo ee Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay talooyinka, aragtiyaha iyo doodihii miro-dhalka ahaa ee ay soo bandhigeen, kuwaas oo salka ku hayay horumarinta hannaanka waajib gudashada Golaha iyo xoojinta doorka korjoogteynta. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay xubnaha guddiga inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐅𝐔𝐑𝐈𝐓𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟖-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024