𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐗𝐎𝐆-𝐖𝐀𝐑𝐄𝐘𝐒𝐈 𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐆𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀.

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Mudane Xuseen Cali Xaaji, iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa in Wasiir-ku-xigeenka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ay ka jawaabaan su’aalo dheeraad ah oo xubnaha Guddigu ka qabeen Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, iyo in faahfaahin, fasiraad iyo sharraxaad dheeraad ah laga bixiyo qodobbada qaar ee hindise-sharciyeedka.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Xuseen Cali Xaaji, iyo xubnihii kale ee la socday ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii iyo qodobadii ay xubnaha Guddigu wax ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka, iyagoo sidoo kale bixiyay fasiraad iyo sharraxaad dheeraad ah oo ku saabsan qodobbadii kale ee Guddigu u baahday in laga caddeeyo.

Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, oo kulanka shir-guddoominaysay, ayaa uga mahadcelisay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada sida ay uga jawaabeen su’aalihii Guddiga iyo faahfaahinta ay ka bixiyeen qodobbada hindise-sharciyeedka, iyadoo tilmaantay in kulamada iyo wadatashiyada noocan ah ay muhiim u yihiin hubinta in qodobbada sharcigu noqdaan kuwo si cad loo qeexay, la fahmi karo, isla markaana waafaqsan baahida, duruufaha iyo danta guud ee Qaranka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐄𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐓𝐀𝐌𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.