𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐄𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐓𝐀𝐌𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare, ayaa maalintii saddexaad ku guda jira akhrinta, falanqaynta iyo turxaan-bixinta Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Xubnaha Guddiga ayaa kulankooda maanta ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta XFS, kuwaas oo Guddiga la wadaagay warbixin iyo talooyin ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradd Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

Kulanka oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta warbixinta iyo soo jeedimaha ay la wadaageen Guddiga, iyadoo carrabka ku adkaysay in Guddigu gudanayo waajibaadkiisa ku aaddan horumarinta iyo tayeynta shuruucda dalka, si loo helo sharci dhammaystiran oo tifaftiran, isla markaana ka tarjumaya baahiyaha dalka, kadib marka la soo dhammeystiro dhammaan la-tashiyada loo baahan yahay.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐒𝐔𝐔𝐋𝐈𝐘𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐈𝐃𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐊𝐇𝐋𝐈𝐆𝐀𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐮’𝐚𝐚𝐥𝐨 𝐊𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.