๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐€ ๐Ž๐Ž ๐Œ๐€๐’๐”๐”๐‹๐ˆ๐˜๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐”’๐€๐€๐‹๐Ž ๐Š๐€ ๐–๐€๐˜๐ƒ๐ˆ๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐€ ๐‡๐€๐˜’๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐ƒ๐€๐Š๐‡๐‹๐ˆ๐†๐€๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ฌ๐ฎโ€™๐š๐š๐ฅ๐จ ๐Š๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐ข๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐๐๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay masโ€™uuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, oo uu hoggaaminayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdulqafaar Cilmi Xaange, iyo masโ€™uuliyiin kale oo la socotay.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa ujeeddadiisu ahayd in masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda laga helo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hayโ€™adda Dakhliga, gaar ahaan qodobbada la xiriira qaab-dhismeedka iyo shaqooyinka Hayโ€™adda.

Xubnaha Guddiga ayaa masโ€™uuliyiinta Wasaaradda waydiiyay suโ€™aalo iyo qodobo u baahan faahfaahin dheeraad ah, si ay u helaan aragti iyo xog ku filan oo ka caawisa sixitaanka, turxaan-bixinta iyo tayeynta Hindise-Sharciyeedka, loogana dhigo mid dhammaystiran oo ka tarjumaya baahida dalka.

Previous ๐’๐€๐๐€๐“๐€๐‘๐‘๐€๐ƒ๐’ ๐€๐๐€๐‹๐Š๐€ ๐’๐€๐‘๐„ ๐Ž๐Ž ๐€๐๐’๐ˆ๐—๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐‹๐€๐๐€ ๐‡๐ˆ๐๐ƒ๐ˆ๐’๐„ ๐’๐‡๐€๐‘๐‚๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ ๐Ž๐Ž ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriiraย  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabtiโ€“ Khamiis: 8:00 am โ€“ 4:00 pm

ยฉ 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.