Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 6-aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee sharciga, isla markaana ay ka codsatay Sanatarrada in ay meel mariyaan hindise xeereedka.
Cod loo qaaday Hindise-Sharciyeedka ayaa waxaa oggolaatay 28 Sanatar, halka 2 xubnood ay diideen, mana jirin cid ka aamustay.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo fadhiga Golaha goob-joog ka ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahadceliyay ansixinta Hindise-Sharciyeedka Macdanta. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseed u noqonaysa in si hufan, sharciyeysan oo waara loo maareeyo loogana faa’iidaysto khayraadka macdanta ee dalka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa Sanatarrada Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Kaddib markii cod loo qaaday sharciga, waxaa oggolaatay 29 Sanatar, hal Mudane ayaa ka aamusay, halka aysan jirin cid diidday. Sidaas ayaana Hindise-Sharciyeedkaasi uga gudbay Golaha Aqalka Sare.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare uga mahadceliyay ansixinta Wax-ka-beddelka Qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale Golaha ka hor akhriyay akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Dakhliga, kaas oo uu ku tilmaamay sharci muhiim u ah horumarinta nidaamka dakhliga dalka, tayeynta maamulka iyo xoojinta ururinta dakhliga gudaha.
Ansixinta labada Hindise-Sharciyeed ayaa muujinaysa dadaallada socda ee lagu xoojinayo hannaanka sharci dejinta, maamulka khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.