𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐁𝐓𝐀𝐘 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐂𝐈𝐋𝐌𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐄𝐘 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐖𝐀𝐀𝐍𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐂𝐎𝐃𝐁𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo gudnaya waajibaadka ka saran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta qabtay dood-cilmiyeed looga hadlay Hannaanka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, Doorashooyinka iyo Amniga Doorashooyinka.

Dooddan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda hannaanka doorashooyinka, nidaamka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, yareynta khaladaadka iyo hubinta hufnaanta geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha Guddiga ayaa kulanka ku casuumay dhinacyada ay khusayso arrintan kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Amniga Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Guddiga Haweenka Qaranka, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Bulshada rayidka Soomaaliyeed, Kaaliyaha Booliiska iyo marti sharaf kale, si loo helo xog, aragtiyo iyo talooyin kala duwan.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday muhiimada Doorasho qof iyo cod ah oo hufan lehna habraacyo dhammaystiraya sharciga Doorashooyinka,
ilaalinta xogta muwaadiniinta, iyo habka loo xaqiijin karo ineey noqoto mid lagu wado kalsoonaan karo, iyadoo doodani ay qayb ka ahayd dadaallada Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare uu ku xoojinayo doorkiisa kormeerka iyo la-xisaabtanka ee Hay’adaha Dowladda.

Previous 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐀-𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐔𝐑𝐂𝐀𝐃-𝐁𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃𝐃𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.