Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeennadiisa, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 5-aad oo ajandihiisu ahaa.
1. Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.
2. Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Aqalka Sare, Sanatar Naima Hassan Gadhweyne, ayaa Sanatarrada Golaha u soo bandhigtay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, iyadoo faahfaahisay sida sharciga loogu daray looguna habeeyey fikradihii iyo soo jeedinnadii ay Sanatarradu ka dhiibteen intii lagu jiray Akhrintii Labaad. Intaas kaddib, Golaha Aqalka Sare ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay sharcuga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.
Sidoo kale, Golaha ayaa guda galay Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qaybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka, kaas oo Sanatarrada uu la wadaagay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda, Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan. Waxaana Sanatarradu soo jeediyeen dood qoto dheer, iyagoo soo bandhigay aragtiyo, su’aalo iyo soo jeedinno la xiriira wax-ka-beddelkas sharciga Iibka Qaranka. Su’aalaha iyo soo jeedinnada xubnaha Golaha ayaa waxaa ka jawaabay isla markaana faahfaahin iyo turxaan-bixin ka bixiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Xaange, oo kulanka maanta goob-joog ka ahaa.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo kulanka soo xiray, ayaa bogaadiyay ansixinta Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, isagoo sidoo kale ammaanay dooddii wax-ku-oolka ahayd ee Sanatarradu ka yeesheen Wax-ka-beddelka Sharciga Iibka Qaranka, isagoo faray xubnaha Guddiga Maaliyadda inay si habaysan u soo qaabeeyaan una diyaariyaan aragtiyada iyo soo jeedinnada ay Sanatarradu ka dhiibteen Sharciga Iibka Qaranka, si loogu daro geeddi-socodka dhamaystirka hindise-sharciyeedka.