Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhaweyn ah, ayaa Guddoomiyaha iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta iyo sii adkaynta xiriirkaas walaaltinimo, ee ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Jabuuti.