Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Ruushka ayaa booqday daljirka daahsoon dhigayna ubax kaas oo ku yaalla darbiga Kremlin-ka caasimadda Ruushka una taagan astaan xusuus iyo ixtiraam loo hayo askartii geeryootay.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, inta ay ku suganyihiin dalka Ruushka waxay sii wadi doonan kulamada ay la leeyihiin madaxda ugu saraysa dowlada Ruushka iyo booqashooyinka goobaha taariikhiga ah.