𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐆𝐀𝐀𝐑 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah ee uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha golaha Federaalka Baarlamaanka Dowladda Ruushka Marwo Valentino Matvienko waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka soo jireenka ee labada dal, iskaashiga iyo qibrad wadaag dhax mara Aqalka Sare iyo Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Ruushka.

Guddoomiye Valentino Metvienko ayaa adkaysay in dowlada Ruushka ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya isla markaana diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan dhinacyada militariga, waxbarashada, tababarka ciidamada iyo kaalmada bini’aadanimo.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in xidhiidhka Soomaaliya iyo dowlada Ruushka uu yahay mid soo jireen ah soona bilawday 1964-tii kadib afar sanno xornimadii Soomaaliya, sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu xusay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee dowladdii Midowga Sofiyeet ay ka qaadatay samata-bixinta bulshadii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii dhacday 1974-tii ilaa 1975-tii.

Uga dambeyn Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Marwo Valentino Metvienko soo dhawaynta diiran isagoo oo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato dowladda Ruuska.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐅𝐃𝐈 𝐔𝐔 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍𝐀𝐀𝐘𝐎 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024