𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐄𝐄𝐆𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐗𝐈𝐋𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐍𝐍𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐄𝐄 𝐄𝐀𝐋𝐀

Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan maanta ku wada yeeshay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna kaga wada hadalleen dardar galinta habraaca lagu soo dooranayo xubnaha Soomaaliya ku matali doona Golaha Sharci dejinta ee bulshada bariga Afrika ( EALA), xubnahaas oo muhiim u ah inay bulshada soomaaliyeed ku matalaan dowladaha ku midaysan Bulshada Bariga Afrika.
Sidoo kale, labada Guddoomiye waxay ka wada hadleen dardargalinta howlaha dib u eegista Dastuurka KMG. Iyadoo horey ay Labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah.
Previous 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐀𝐅𝐀𝐑 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐎𝐎 𝐀𝐘 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐁𝐈𝐒𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024