Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG.
Kulanka oo ay ka qayb galeen habdhowrayaasha Labada Aqal ee BJFS waxaa guddiyadda qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ay guddoonka labada aqal la wadaageen warbixin ku saabsan heerarka ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan ee Dastuurka KMG ah.
Ugu dambeyn Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga La-socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga Madaxa-banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG.