𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐔𝐑𝐗𝐀𝐀𝐍 𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐘𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka JFS.

Xubnaha Guddiga maaliyadda oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ayaa bilaabay ka shaqaynta iyo ka doodista hindise sharciyeed uu guddigu gacanta ku hayo kuwaas oo kala ah.

1- hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2- hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga
3- hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4- hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada,

Guddigu wuxuu dulmar guud, akhrin iyo turxaan bixin ku samayn doonnaa dhammaan shuruucdaas aan kor kusoo xusnay iyagoo kaashanaya sharciyaqaanadda golaha .

Sidoo kale kulanka guddiga waxaa qayb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, isaga oo faahfaahin iyo sharaxaad ka bixiyey qodobo la xiriira shuruucda guddigu ku howlan yahay

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Waxaana qayb ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha guddigu.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐈𝐒𝐗𝐎𝐆𝐖𝐀𝐑𝐄𝐘𝐒𝐈 𝐀𝐇.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024