π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŒπ€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 π€π˜π€π€ π†πŽ’π€π€πŒπˆπ˜π€π˜ 𝐈𝐍 π†πŽπ‹π€π‡π€ 𝐋𝐀 π†π”πƒππˆπ˜πŽ π‡πˆππƒπˆπ’π„ π’π‡π€π‘π‚πˆπ˜π„π„πƒπ˜π€πƒπ€ πŒπ€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka, ayaa ahaa diyaarinta akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedyada Maaliyadda oo kala ah;
1- hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2- hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga
3- hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.

4- hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada.

xubnaha guddiga maaliyadda oo ka duulaya soojeedinnadii iyo aragtiyadii akhrinta labaad ee ay soojeediyeen sanatarrada Aqalka Sare oo ay ku dareen hindise sharciyeedka iyo warbixinta akhrinta 3-aad si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Intaas kadib xubnaha guddiga ayaa go’aamiyey in golaha la gudbiyo si ay sanatarradu akhrinta 3-aad u mariyaan.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Waxaana ka soo qaybgalay xubnaha guddiga.
Previous 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ π€πŠπ‡π‘πˆππ“π€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π„π˜ π‡πˆππƒπˆπ’π„ π’π‡π€π‘π‚πˆπ˜π„π„πƒπ˜π€πƒπ€ π‡π€π˜’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 πŒπ€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024