Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-U-heshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ee kalfadhiga Lixaad.
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ajandihiisu ahaa ka tashiga kulanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha, iyo u yeerida Hay’adda Qaxootiga Qaranka.