𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐎𝐒𝐂𝐎𝐖, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐌𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐇𝐎𝐎𝐒𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo booqasho rasmi ah ku jooga magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Hoose (State Duma) ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin waxayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka labada dal iyo wada shaqaynta labada Baarlamaan, iyagoo xusay inay muhiim tahay in labada Baarlamaan ay is waydaarsadaan khibrad isdhaagsi ku saabsan sharci-dajinta metelaadda shacabka.

Intaas ka dib labada Guddomiye ayaa isla qaatay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo ah oo ay yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo wadanka Ruushka, taas oo kor loogu qaadayo xidhiidhka soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey soo dhaweynta milgaha leh ee uu u sameeyey Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Ruushka isagoo tilmaamay muhiimada iskaashiga iyo wada-shaqaynta ay leeyihiin labada Baarlamaan ay sii xoojinayso xidhiidhka labada dal.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐎𝐒𝐂𝐎𝐖, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐋𝐉𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐀𝐇𝐒𝐎𝐎𝐍 𝐄𝐄 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.