Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta soo gaba-gabeeyey tababar laba cisho uga socday magaalada Muqdisho ayna ka soo qayb galeen hay’addaha Amniga gudaha XFS.
Waxaa maalintii labaad falanqeyn iyo dood laga yeeshay qorshayaasha hay’addaha Amniga, Iyadoo diirada lagu saaray nidaamka Federaalka iyo awoodaha ay leeyihiin si kor luugu qaado masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo ee kala dhaxeeya Baarlamaanka iyo hay’addaha Amniga ee xukuummadda. Si loo helo isla-xisaabtan daahfuran loona xoojinaayo korjoogtaynta uu guddigu ku leeyahay bahda Amniga.
Sidoo kale ka soo qayb galayaasha tababarka, ayaa dood ka yeeshay qorshayaasha iyo caqabadaha soo noq-noqda ee ku saabsan amniga gudaha, Iyagoo soo bandhigay warbixinno iyo aragtiyo midho dhal ah, Isla markaana la wadaagay guddiga muhiimadda ay leedahay qabashada tababarrada noocan oo kala ah, loona baahanyahay in sare loo qaado kala xadaynta shaqooyinka Baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta amniga ee xukuummadda Federaalka Soomaaliya.