Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Qaran Marwo Ramla Cali.
Guddoomiyaha iyo Ramla oo iska xogwaraystay xaaladda guud ee dalka iyo kaalinteeda ciyaaraha feerka caalamiga ah, ayaa ku boorriyay dadaalkeeda miro-dhalka ah ee ay Qaranka Soomaaliyeed ugu soo hoyday magac, sumcad iyo doorkeeda waddaninimo ee dal jacaylku ku dheehan yahay, isagoo ku bogaadiyay in ay sii laba jibbaarto kaalinta firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.
Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Sanatarrada Aqalka Sare, ayaa Ramlo ku maamuusay billad sharaf ay ku mutaysatay kaalinteeda matalaadda Qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha feerka caalamiga ah.
Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa tilmaamay in Ramla Cali Sooyaalka dalkeenna ay baal dahab ah ka geli doonto iyada iyo Muwaadin kasta oo door ka qaata kor u qaadista sumcadda waddankeenna, iyada oo jiilalka dambe ay tilmaansan doonaan shaqadaas waddaniga ah ee ay Ramlo dadkeeda iyo dalkeeda u qabatay.