Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka-tashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda dib u furista kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka 11aad, si uu u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah ee loo igmaday. Kulanka ayaa lagu adkeeyey in Baarlamaanku kaalin muhiim ah ku leeyahay horumarinta dowladnimada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah iyo ka qayb-qaadashada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Guddoonka ayaa sidoo kale isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad la shaacin doono maalmaha soo socda, kaddib marka la xaqiijiyo diyaar-garowga lagama maarmaanka ah iyo helitaanka guntanka kooram dhamaystiran ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadkiisa qaran, isla markaana uu dardargeliyo hawlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro kalfadhiga soo socda.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghaye Ku-xigeenka Aqalka Sare BJFS.