𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐅𝐒.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga Sideedaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Fadhiga furitaanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji, iyadoo ay garab joogeen Guddoomiye Ku-xigeennada Labaad ee labada Aqal, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Khudbadda furitaanka waxaa ugu horreyn jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo ka bixiyay waxqabadkii Golaha Aqalka Sare intii uu socday Kalfadhigii Toddobaad. Wuxuu xusay in Goluhu meel mariyay sagaal sharci oo muhiim u ah horumarinta dowlad-dhiska iyo maamulka dalka, kuwaas oo taabanaya dhinacyada maamulka, maaliyadda, caddaaladda, caafimaadka iyo adeegyada bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in Aqalka Sare uu sii xoojiyay kaalintiisa matalaadda danaha Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta nidaamka Federaalka ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda.

Dhanka kale, Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa sheegay in Kalfadhiga Sideedaad uu Golaha Aqalka Sare xoogga saari doono dhammaystirka sharciyada qabyada ah iyo kuwa horyaalla Golaha, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, sare u qaadidda isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyo hubinta ku dhaqan galka Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐅𝐀𝐊𝐀𝐍𝐐𝐀𝐘𝐍 𝐊𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄-𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟖𝐀𝐀𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024