𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐔 𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta loo doortay doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha Cusub iyo xubnaha Golaha Shacabka in ay sii ambaqaadaan hannaanka ka waajib gudashada shuruucda dalka iyo shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyey wadashaqaynta Guddoomiyii hore ee Golaha Shacabka iyo doorkii xilkasnimada lahaa ee ay uga wadashaqeeyeen shuruucda dalka, korjoogtaynta, islaxisaabtanka, arrimaha dowlad-dhiska iyo shaqooyinkii kale ee muhiimka ahaa.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐉𝐀𝐍𝐃𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐒𝐈𝐃𝐄𝐄𝐃𝐀𝐀𝐃

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024