𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐂𝐃𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 4-aad oo andihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo kooramkiisu ku furmay 29 Sanatar, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, waxa ay Sanatarrada Golaha la wadaagtay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Macdanta. Guddoomiyuhu waxay si faahfaahsan uga warbixisay wax-ka-beddellada, toosinta iyo sixitaanka lagu sameeyey hindise sharciyeedka, iyo sidoo kale hannaanka latashiyada ay Guddigu soo mareen muddadii ay gacanta ku hayeen dib-u-eegista sharciga Macdanta.

Warbixinta Guddiga kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa guda galay ka doodista Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo soo jeediyey aragtiyo, talooyin iyo fikrado wax-ku-ool ah oo la xiriira sixitaanka iyo dhammaystirka sharciga.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Cabdi Cumar, oo kulanka maanta goob-joog ka ahaa, ayaa ka jawaabay su’aalo ay Sanatarrada qaar ka waydiiyeen Hindise Sharciyeedka Macdanta. Wasiirku wuxuu sidoo kale si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay dalka iyo waxtarka uu ku yeelan karo horumarinta, dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐀-𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐔𝐑-𝐂𝐀𝐃 𝐁𝐀𝐃𝐃𝐄𝐄𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐀- 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐀𝐅𝐃𝐔𝐔𝐁𝐊𝐀 .

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.