π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π€π‘π‘πˆπŒπ€π‡π€ 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π πˆπ’π‹π€-π—πˆπ’π€π€ππ“π€π 𝐀𝐇 𝐋𝐀 π˜π„π„π’π‡π€π˜ π–π€π’πˆπˆπ‘πŠπ€ πƒπ‡π€π‹π‹πˆππ˜π€π‘π€πƒπ€ 𝐈𝐘𝐎 π‚πˆπ˜π€π€π‘π€π‡π€.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cali, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtan iyo xog-wareysi ku saabsan hannaanka shaqo ee Wasaaradda, iyadoo Wasiirka si gaar ah wax looga weydiiyay qorshe-hawleedka Wasaaradda, horumarinta ciyaaraha dalka, dhismaha iyo dayactirka garoomada isboortiga, xiriirka Wasaaradda iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay xubnaha Guddigu hor-dhigeen, isagoo si faahfaahsan uga hadlay howlaha, qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda, gaar ahaan kaalinta ay ku leedahay horumarinta ciyaaraha dalka, kobcinta iyo kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada, iyo abuurista fursado ay dhallinyaradu ku horumarin karaan kartidooda iyo hal-abuurkooda.

Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle oo shir guddoomiyay kulanka, ayaa Wasiirka uga mahadceliyay sida hufan, faahfaahsan oo togan ee uu uga jawaabay su’aalihii ay xubnaha Guddigu hor-dhigeen, isagii tilmaamay in kulankan uu qayb muhiim ah ka yahay xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka, korjoogteynta iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Previous π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŠπ‡π€π˜π‘π€π€πƒπŠπ€ ππ€π‘π€ππŠπ€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π π—πŽπ†-π–π€π‘π„π˜π’πˆ 𝐋𝐀 π˜π„π„π’π‡π€π˜ π–π€π’πˆπˆπ‘ πŠπ”-π—πˆπ†π„π„ππŠπ€ 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 πƒπ„π„π†π€π€ππŠπ€.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriiraΒ  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Β© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.