Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 8-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga iyo ansixinta laba xubnood oo ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.
Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, uu Senatorrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee xeerka, kana codsaday inay meel mariyaan Hindise Sharciyeedka. Waxaa cod loo qaaday xeerka oggolaaday 27 Sanatar mana jirin cid ka aamustay ama diidday.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa Senatorrada Aqalka Sare uga mahadcelisay ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyadoo xustay in hay’addu kaalin muhiim ah ka qaadan doonto maamulka, ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha dalka.
Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa isna Sanatarrada Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan laba xubnood oo buuxinaya boosaska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan labada xubnood si ay uga mid noqdaan Guddiga.
Intaas kaddib, mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa u codeeyay labada xubnood ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Waxaa oggolaaday 27 Sanatar mana jirin cid diidday ama ka aamustay