uddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka diyaar-garowga roobabka mahiigaanka ah ee la filayo inay dalka ka curtaan dhawaan.
Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka diyaar-garowga, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, qorshayaasha gurmadka, taageeridda bulshooyinka nugul iyo wada-shaqeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada isku-duwidda gargaarka iyo caafimaadka.