Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminaysay Sen. Zamzam Daahir Maxamuud, oo ah xubin ka tirsan Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 153-aad ee IPU, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan madax, xildhibaanno iyo wakiillo ka socda Baarlamaannada dalal kala duwan oo caalamka ah, ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya horumarinta dowlad-wanaagga, xoojinta iskaashiga Baarlamaannada iyo awood-siinta bulshada, iyadoo la dhiirrigelinayo ka-qaybgal loo dhan yahay, dhisidda kalsoonida iyo xaqiijinta fursado loo siman yahay.