Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Aqalka Sare Sanatar Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa guddoomiyey kulanka 5aad ee guddiga Joogtada golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen dhammaan gudiyada Aqalka Sare.