𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐉𝐈𝐆𝐀 𝟐𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐋𝐀𝐓𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐄𝐄 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐘𝐀𝐃𝐀 𝟓-𝟗 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀

𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐉𝐈𝐆𝐀 𝟐𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐋𝐀𝐓𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐄𝐄 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐘𝐀𝐃𝐀 𝟓-𝟗 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga 2aad ee Barnaamijka Danabaysan ee Latashiga Dadweynaha ee Dib-u-eegista cutubyada 5-9 ee Dastuurka.

Barnaajimkan ayaa siinaya fursad aad u weyn dhammaan muwaaddiniinta soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay uga soo aragti dhiibtaan dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad oo hadda Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka uu ka shaqeenayo.

Senator Siciid Cawke oo ah Xoghayaha Guddiga Lasocodka ayaa ku dhiirigeliyey in muwaadinkasta oo uu ka soo aragti dhiibto cutubyada la diyaarinayo ee wax-kabeddelka Dastuurka.

Intaas ka dib Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan Avv. Burhan Adan Omar ayaa guddoonka labada aqal iyo bulshada soomaaliyeedba u sharaxay barnaamijka oo muhiim u ah dhammaan muwaaddiniinta soomaaliyeed, fursadna ay tahay ka aragti dhiibashadooda ku aaddan cutubyada hadda la diyaarinayo.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐈 𝐃𝐈𝐈𝐑𝐀𝐍 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐎𝐖𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐂𝐀𝐃𝐃𝐄.

Leave Your Comment

 

Degmada Shibis, Km0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

City News & Updates

The latest Egovt news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.#5E8DCA

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024. Xaquuqaha dhan way dhowranyihiin