π—π”πππŽ πŠπ€ π“πˆπ‘π’π€π 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 πƒπ€π‹πŠπ€ π‰π€ππ”π”π“πˆ, π€π˜π€π€ πŒπ€π€ππ“π€ πŠπ”π‹π€π 𝐋𝐀 ππ€π€π“π€π˜ 𝐐𝐀𝐀𝐑 πŠπ€ πŒπˆπƒ 𝐀𝐇 π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π˜π€π€π’π‡π€ π†π”πƒπƒπˆπ˜π€πƒπ€ ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ π‰π€ππ”π”π“πˆ.

Xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare oo qayb ka ah wafdiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ee ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Guddiyada Baarlamaanka Jabuuti.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday warbixinno guud oo la xiriira guud ahaan shaqada Baarlamaannada iyo hannaanka waajib gudasho ee guddiyada labada Baarlamaan ee maanta shirka fadhiyay, kaalinta korjoogtayn isla-xisaabtan iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyagoo sidoo kale iska waraystay dhanka waayo-aragnimada, shaqada, curinta shuruucda iyo kaalinta haweenku ku leeyihiin sharci dejinta labada dal.

Habdhowraha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali oo xubnaha Aqalka Sare hoggaaminaysay, ayaa uga mahadcelisay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti Marwo Safiya Cilmi Jibriil iyo dhammaan Golaha Baarlamaanka Jabuuti soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Aqalka Sare, iyadoo tilmaantay in booqashadaani miro-dhalka ah iyo kulamadii ay wada qaateen ay horseedi doonaan sii xoojinta xirriirka shaqo, qibrad wadaagga iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada labada Baarlamaan.

Previous π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ” 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 πƒπ€π‹πŠπ€ π‰π€ππ”π”π“πˆ, π€π˜π€π€ πŒπ€π€ππ“π€ ππŽπŽππƒπ€π˜ 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€ π€π˜ πŠπ” π‹π„π„πƒπ€π‡π€π˜ π‰π€ππ”π”π“πˆ.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024