Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan maanta ku wada yeeshay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxayna kaga wada hadalleen dardar galinta habraaca lagu soo dooranayo xubnaha Soomaaliya ku matali doona Golaha Sharci dejinta ee bulshada bariga Afrika ( EALA), xubnahaas oo muhiim u ah inay bulshada soomaaliyeed ku matalaan dowladaha ku midaysan Bulshada Bariga Afrika.
