Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Qorsheynta, ee Golaha Aqalka Sare-BFS ayaa Kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senator Prof.Mohamed Faarax Cusman(Dhagajuun) Iyo senatarada ka tirsan Guddiga ayaa kulan la yeeshay Wasirika Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan Iyo Xubno ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta.

Kulanka ayaa ahaa kulan warbixin looga dhageestay waxqabadka iyo qorshaha Wasaaradda iyadoo ay ugana hadleen Qorshaha 5ta Sano ee soo socota , Iyo arrimaha horumarinta dalka Iyo Latashadiyada ay la sameeyeen Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya. Isla markaana u ugu horeeyo qorshaha Qaranka oo ka kooban afar qeybood oo kala duwan Qeeybtiisa 1aadna ay soo gaba gaboowday.

Wasiirka ayaa laweeydiiyay Sua’alo ku saabsan Qorshaha Qaran ee 5 sano. isagoo ka jawaabceliyay Suu’aalaha la weeydiiyay. Wasiirka ayaa balan qaaday in Qorsha qaranka qeeybta laga talagallin doono Golaha Aqalka Sare.