Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Horumarinta Baarlamaannada Addunka

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka caalamiga ah ee horumarinta Baarlamaannada ee ka dhacaya magaalada Mooskow ee dalka Ruushka.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay in kabadan 130 dowladood, 50 Guddoomiye Baarlamaan iyo 800 oo xubno baarlamaani ah.

Shirka ayuu guddoomiyuhu ka jeediyay hadal kooban oo ku saabsan amniga, xasiloonida iyo siyaabaha ugu haboon ee looga hortagi karo fikirka argagaxisada isla markaasna loogu noolaan lahaa nabad iyo hormar.

Inta ay wafdiga ku sugnayeen dalka Ruushka ayuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Sen Cabdi Xaashi Cabdullaahi kulan gaar ah la qaatay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Duma ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka Mudane ivan melnikov waxaa ayna ka wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee u dhexeeyay labada dowladood.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay Guddoomiye ku xigeenka in uu madaxda Sare ee Soomaaliya uu kala hadli doonno in dib loo soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dowladood u dhexeeyay.

Sidoo kale waxaa labada Guddoomiye isku af garteen in ay is dhaafsadaan Guddiyo saaxiibtinimo oo Baarlamaani kaas oo dardar gelin doonno xiriirka wada shaqeeneed ee labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka Duma ee Baarlamaanka Ruushka ayaa sheegay in ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata haatan jaamacadaha dalka Ruush minxo ahaan ay gaarayaan labaatan arday oo kaliya balse waxaa uu ballan qaaday in tiradaas ay ka badin doonnaa lana gaarsiin doonno ilaa 500 arday sannad walba; si sare loogu qaado aqoonta dhalin yarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

Waxaa soo gaba-gabooway Shirka ka dhacay Magaalada Moscow ee Dalka Ruushka Shirka Madasha Baarlamaanada Adduunka. Shirkan waxaa looga hadlayay Hormarin Baarlamaannada iyo xiriirka Dowladda Ruushka iyo Afrika maalinta ay aheeyd Arbacda ,July 3,2019 .