Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad, Ajandaha; Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka

Muqdisho:- Arbaco, 23.10.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad ayadoo Ajandaha kulanku ahaa:
1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka .

2.Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye Guddomiyaha  Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomoiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay  Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan  uga hadlay  halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988.

Wasiirka Maaliyada ayaa si guud u dulmaray warbixinta hindise sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka asiga oo codsaday in golaha ay dadejiyaan ansixinta Hindise Sharciyeedka Dkhliga Guud ee Dalka.

Gudoomiye Guddomiyaha  Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise Sharciyeedka Dkhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadkooda ugu aadan.

Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dib udhigay ajedaha 2 aad ee Kulanka , asagoo soo xiray kulanka.

 

 

Previous Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Labadiisa Aqal oo Heshiis Wada shaqeyn ah kala Saxiixday

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.