Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad, Ajanadaha; Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka Iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

Mudqisho:- Khamiis, 24.10.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.
2.Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.  

Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha horyimid si looga weeydiiyo su’aalaha ay qabaan xubnaha Senatarada.

Kulanka 3aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , waxaa lagu ansixiyay Xubinta Cusub oo kamid noqaneeysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.