Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 4aad, Ajandaha ;Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka

Muqdisho:-Khamiis, 24.10.2019

Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay Kalfadhiga 6aad kulankiisa 4aad isla maanta ayadoo Ajandaha kulanku uu ahaa:
1. Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Guddiga Dhqaalaha Aqalka Sare ayaa guda galay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Ayadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 4aad waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.Waxaa codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.Wasiirka maaliyadda XFS ayaa uga mahad celiyay Senatarada ansixinta Hindise- sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.