Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 4aad, Ajandaha ;Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka

Muqdisho:-Khamiis, 24.10.2019

Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay Kalfadhiga 6aad kulankiisa 4aad isla maanta ayadoo Ajandaha kulanku uu ahaa:
1. Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Guddiga Dhqaalaha Aqalka Sare ayaa guda galay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Ayadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 4aad waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.Waxaa codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.Wasiirka maaliyadda XFS ayaa uga mahad celiyay Senatarada ansixinta Hindise- sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Previous Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad, Ajanadaha; Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka Iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.