Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida

Kulankii 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu
Ajanda Kulanka:

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani.
Waxaa Ogaalada 30 Senatar,Waxa Ka amusay 1 Senatar , Waxdiiday majirin.

Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

Previous Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyayHindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024