Kulakii 32aad ee Kalfadhiga 6aad Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 32aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed .

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriso warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Kheeyraadka Qaranka ,Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

 

Previous Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.