Kulakii 33aad ee Kalfadhiga 6aad Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 33aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
Ajendaha Kulanka maanta:
1. Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriyo warbixinta Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Previous Kulakii 32aad ee Kalfadhiga 6aad Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.