kulankooda 33aad ee kalfadhiga 6aad Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.

Maanta oo ARBACO ah Janaayo 29, 2020 Ayeey Xubnaha Golaha Aqalka Sare iskugu yimid kulankooda 33aad ee kalfadhiga 6aad.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa

Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Dooroshooyinka Qaranka ee heer Federaal.
Koram kulanka ayaa ahaa 30 senator waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sebatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa laguda galay Ajendaha 2aad ayada oo uu Guddoomiyaha Guddiga KMG ee kabaaraandeggidda Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal ee Golaha Aqalka Sare-BFS ayaa ka hor akhriyay warbixinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, intaa kadib Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa ka dooday qodobadda qaar ee Hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeyntii Xubnaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa u balama in lasii wado Akhrinta doodda akhrinta 2aad.

.