Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Kulankii 35aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo uu
Ajandaha Kulanka uu ahaa:

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegista Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal.

Waxaa Ogaalada 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.