Golaha Aqalka Sare Kulankii 7aad ee kalfadhiga 6aad , Ajanadaha ;Hindise-Sharciyeedka Howl-gabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida iyo qodabka  labaad oo ahaa ka hadalidda Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba

Muqdisho:- 30,Octoobar 2019

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulankiisa 7aad ee kalfadhiga 6aad ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare, ayadoo ajendaha kulanku uu ahaa, Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Howl-gabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida iyo qodabka labaad oo ahaa ka hadalidda Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Hindise-Sharciyeedyadan waxaa soo diyaariyay Wasaaradaha Cadaaladda, Gaashindhiga iyo Arrimaha Ammniga, kuwaasi oo sharaxaad ka bixiyay muhiimadda ay leedahay.

Hindise-Sharciyeedka howlgabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maray Akhrinta 1aad. Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa ku warwareejiyay Guddiga Difaaca Aqalka Sare si ay u gutaan wajibkooda ku aadan Hindise-Sharciyeedkan.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa magaacabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka shaqeeyn doona arrimaha Fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba. Guddiga waxaa Guddoomiye u ah Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowliid Xuseen Guhaad.