Kulakii 8aad ee Kalfadhiga,ajanadaha ayaa ahaa; Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 8aad ee Kalfadhiga 6aad ayadoo Ajanadaha Kulanka uu ahaa:
Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
 
Hindise-Sharciyeedkaan waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim. Waxaa sidoo kale Goob joog ahaa Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).
 
Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa ku wareejiyay Hindise-sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajib kooda uga aadan Hindise- sharciyeedkan.