Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare BFS ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socotay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

Mogadishu:- 24, Sabteembar 2019

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadah, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Aqalka Sare masuuliyiin ka socotay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Kulanka waxaa shir Guddoominayey Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Senator Deeqa Xasan Xuseen.Ajendaha kulanka ayaa ahaa katashiga Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ee horyaala Golaha Aqalka Sare si uu waajibaadkiisa Dastuuriga ah uga gutto.

Guddigu wuxuu guda galay kulankan is Xogwareeysi ah iyadoo ugu dambeyntii, masuuliyiintii ka ka socotay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ay u soo gudbiyeen Guddiga talooyinkooda ku aadan Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka.