Gudoomiyaha Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka Qeyb galay Munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay Aas aaska Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Ayadoo maantay loo aqoonsaday maalinta Abwaanada.

 

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka Qeyb galay Munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay Aas aaska  Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Ayadoo maantay loo aqoonsaday maalinta Abwaanada.

Xuska 21 guuradii ka soo wareegatay Aas Aaska golaha abwaanada ahna maalinta Abwaanada ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS , Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska , xildhibaano ,abwaano ,fanaaniin Saraakiil Ciidan, iyo qaar ka mid ah bulshada soomaaliyeed,
Ugu horayn abwaanada iyo ka  qayb galayaasha ayaa goobta suugaan iyo taariiqda Fanka iyo hidaha soomaaliyeed .

Abwaan xirsi dhuux maxamed wehliye gudoomiyaha golaha abwaanada ayaa u  dhigay in fanka loo isticmaalo si aan wanagsanayn lana dhowro xuquuqda abwaanada ,
Xildhibaan maxamed Cumar dhalxa ayaa ku dheeraaday suugaanta la isticmaali jiray Xiligii xornimo doonka ee dalka laga xuraynayay gumeystaha ,  Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska xildhibaan maxamed cabdi xayir maareeye Ayaa waxa uu abwaanada soomaaliyeed ugu baaqay in suugaan wacyi galin ah oo ka Turjimaysa duruufta jirta ay soo diyaariyaan .

Geba gabada  Xuska 21 guuradii ka soo wareegatay Aas Aaska golaha abwaanada Waxaa soo xeray Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS Sen, Cabdi xaashi cabdulaahi Waxa uu golaha abwaanada ka codsaday in ay diiwaan galiyaan abwaanada Soomaaliyeed kuwa dhintay iyo nool lana qoraa Ruwaayadaha ay abwaanada Sameeyeen si taariiqda suugaanta soomaaliyeed loo barto ,
Mas,uuliyiinta ayaa Goobta waxa ay ku bixiyeen shahaado sharaf dad ay ugu tala galeen Dad ay u arkeen in ay shaqo wanaagsan qabteen