Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeeyb galay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Muqdisho:- 9 , Octoobar 2019

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka qeeyb galay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taa oo lagu qabtay Iskool Boolisiiyo.

Waxaa munaasabada ka soo qeeyb galay Madaxweeynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo,Ra’isul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheeyre, Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Senatarada Golaha Aqalka Sare,Xildhibaanada Golaha Shacabka ,Madax kala duwan ee doowlada Federaalka Soomaaliya, marti Sharaf ka socday doowlada Jabuuti oo uu hogaaminaayo Guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti,marti Sharaf ka socday beesha caalmaka.

Madaxweeynaha Jamhuuriyaa Federaalka Mudane Maxamad Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa si rasmi u furay kalfadhihaa 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaloya Maanta oo ay taarikhdu tahay 09,Octoobar 2019.