Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Taariikh 22 Agoosto 2019,

1.Kulanka Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti Iyo Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee BFS

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah kula qaatay xarunta madaxtooyada Jabuuti Madaxwaynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS ay mahad ballaaran u jeediyeen Madaxda iyo Shacabka Dowladda Jabuuti taageerada hagar la’aanta ah iyo sida ay uga qayb qaataan soo celinta amniga, xasiloonnida iyo dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka waxaa kale oo looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta labada Aqal ee BFS, maadaama ay tahay hay’adda Sharci dejineed ee ugu sarraysa dalka, isla markaasna ay howlo badan u hayso oo muhiim ah ummadda Soomaaliyeed, wada-shaqayntooduna ay lagama maarmaan tahay.

Waxaa la isku afgartay in Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee BFS ay  wada saxiixdaan heshiis qoraal ah kaas ooy ku caddahay in laga heshiiyay waxyaabihii la isku maan dhaafay, khilaafkiina uu dhammaaday.

2.Kulanka Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee BFS Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamuud.

Madaxda waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka iyo wada shaqaynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waxay isku af-garteen in labada dhinac is dhaafsadaan Guddiyo saaxiibtinimo oo ka howl gala in labada dhinac ay si dhow u wada shaqeeyaan, isla markaasna ay ka kaashadaan dhammaan arrimaha ku saabsan sharci dejinta.