Guddoonka labada Aqal ee BFS ayaa kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Midowga Yurub (EU)

Muqdisho:-31,Agoosto 2019

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo taariikhd tahay 31/08/2019 kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Midowga Yurub (EU).

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo  Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Mudey ayaa Maanta kulan la qaatay Wafdi Heer-sare ah oo uu Hogaaminayay Stefano Manservisi Agaasimaha Guud Midowga Yurub u qaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan ayaa Ka dhacay Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa waxaana looga wada hadlay Wada-shaqaynta labada dhinac, Midowga yurub (EU) iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa kaga Mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday Midowga yurub (EU) Sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida Dowladnimada Soomaaliya.