Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan kula la yeeshay masuuliyiin ka socota Hay’adda Adam Smith International

Muqdisho:- 27/08/2019,

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda ,Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare wuxuu kulan kula yeeshay xarunta Aqalka Sare masuuliyiin ka socota Hay’adda Adam Smith International.

Kulankan waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer).Ujeedada kulankan ayaa ahayd siddii hay’addan ay gacan uga siin lahayd Guddigan siddii uu ugala tashan lahaa Dowlad Goboleedyada Hindise Sharciyeedyada horyaala.

Kulankan ayaa u qabsomay siddii loo qorsheyey kuna soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan iyo is fahan.

Guddigan waxaa horyaala si uu dib-u-eegis ugu sameeyo Hindise Sharciyeedyada kala:-
1- Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2- Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka.
3- Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dowladda.

Previous Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Safar shaqo uu ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.