Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan kula la yeeshay masuuliyiin ka socota Hay’adda Adam Smith International

Muqdisho:- 27/08/2019,

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda ,Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare wuxuu kulan kula yeeshay xarunta Aqalka Sare masuuliyiin ka socota Hay’adda Adam Smith International.

Kulankan waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer).Ujeedada kulankan ayaa ahayd siddii hay’addan ay gacan uga siin lahayd Guddigan siddii uu ugala tashan lahaa Dowlad Goboleedyada Hindise Sharciyeedyada horyaala.

Kulankan ayaa u qabsomay siddii loo qorsheyey kuna soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan iyo is fahan.

Guddigan waxaa horyaala si uu dib-u-eegis ugu sameeyo Hindise Sharciyeedyada kala:-
1- Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2- Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka.
3- Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dowladda.