Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Safar shaqo uu ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxaa garoonka Diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo Dhoweeyay Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka soomaaliya.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa ugu Horayn ka tacsiyeeyay geeridii marxuum Maxamed Amiin  Sheekh Cilmi  Xog-hayihii hore gobolka banaadir oo argigixisada qarax la beegsaday Wuxuuna uga tacsiyeeyay Xaaskiisa  Sen. Samsam Daahir Maxamuud iyo Eheladii uu ka geeriyooday.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS ay kulan ku yeesheen Dalka jabuuti iyagoo ka wada hadlay howlaha horyaala baarlamaanka iyo sidii loo Dar dar galin lahaa shaqooyinka labada aqal baarlamaanka soomaaliya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS Cabdi xaashi Cabdulaahi Ayaa ka warbixiyay kulan ay la qaateen gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxayna isla meel Dhigeen  kordhinta xiriirka ka dhexeeyay labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti isagoo intaa ku daray in labada dhinac ay soo magacaabayaan min 6 Xubnood .

Gudoomiye cabdi xaashi cabdulaahi Ayaa ugu danbayn sheegay in kulankii ay  la Qaateen madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ay uga Mahadceliyeen garab istaaga iyo taageerada Soomaaliya .